Khadra Daahir Cige oo Hargeysa ku geeriyootay.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Alle ha u naxariistee waxaa caawa fiidkii ku geeriyootay magaalada Hargeisa fanaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige. Marxuumadda ayaa maalmahan ku jirtay cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeisa oo loo dhiigay xanuun hayey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida anaanadii caanka ahayd ee Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xassan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here