Man United Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga daafaca kooxda Feyenoord Tyrell Malacia iyada oo kooxdu haatan isku diyaarinayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga sida laga soo xigtay saxafiga reer Holland Marcel van der Kraan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo ciyaaray 50 kulan tartamada oo dhan isla markaas dhaliyay hal gool 5 kalena caawiye ka noqday.

Man United ayaa saxiixa xiddiga ka afduubatay kooxda Lyon kuwaas oo qarka u saarnaa in ay dhamaystiraan saxiixiisa.

Saxafiga Marcel van der Kraan ayaa sheegay in uu Tyrell ogolaaday Man United isla markaas labada kooxood ka heshiyeen qiimaha xiddiga.

Saxafiga ayaa haatan sheegay in ay Man United haatan si buuxda u dhamaystirtay saxiixa xiddiga isla markaas haatan la sugayo in lagu dhawaaqo saxiixa xiddiga.

Xiddiga Tyrell ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee ay samayso kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here