Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore mahad ballaaran ujeediyay Alle subxaanahu wa tacaalaa oo suurta
geliyey in aan si nabad ah loo xuso Todobaadka Xoriyadda dalka oo xalay si rasmi ahu bilowday, inkastoo uu ka cudur daartay ka qeyb-gal la’aanta
munaasabadda 26ka Juun, maadaama uu u hoggaansamayo talooyinka bahda
caafimaadka ee la xiriira COVID-19.

Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu
ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda ayuu yiri Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here