Sucuudiga oo sii daayey maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dowladda u xirnaa

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay sii daysay maxbuus la xiray isagoo 13 jir ah oo looga shakiyay inuu ku lug lahaa dibad baxyo looga soo horjeedo dowladda.

Murtaja Qureiris ayaa mar wajahayay xukun dil ah, inkastoo ugu dambeyntii lagu xukumay xabsi.

Waxa la qabtay sannadkii 2014-kii, iyadoo ay qayb ka ahayd eedaymo la sheegay inuu ka qayb-qaatay mudaaharaadyadii Gugii Carabta ee 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here