Bangiga Adduunka oo u ansixiyay Mallaayiin dollar dadka abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 143 milyan oo doolar oo loogu talagalay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee dalka oo dhan.

Maalgelintan dheeriga ah ee la siinayo Soomaaliya, ayaa waxay xoojin dheeraad ah siin doontaa wax ka qabashada abaaraha dalka, waxayna hubin doontaa sii socoshada taageerada naf babaadinta joogtada ah.

“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here