Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ergeyga gaarka ah ee dalka Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalalka gobolka Geeska Afrika hawlaha nabadaynta iyo sidii meesha looga saari lahaa, waxa uu ugu yeeray, faro-felinta lagu hayo dalalka gobolka.

Xue Bing ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulanka u dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada gobolka Geeska Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ka qaybgaleen illaa lix dal, kaas oo ah kulankii ugu horreeyey ee ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha nabadda, maamulka dawliga ah iyo horumarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here