Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa Maalintii Isniin aheyd booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.

Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.

Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here