Kooxo burcadda Internetka ah oo madaxfurasho u haysta adeegyada isgaarsiinta dawladda Costa Rica

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Costa Rica ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa weeraro dhinaca internetka ah, kaas oo kooxaha weerarka geysanayaa ay la wareegeen baraha internetka ee qaar ka mida xafiisyada dawladda iyo weliba xarumo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixin jiray adeegyo kala duwan oo bulshadu u baahan tahay.

Weerarada dhinaca internetka ayaa sababay in dawladdu ay bixin kari weydo mushaharaadkii macalimiinta, waxay curyaamiyeen nidaamkii cashuuraha, halka saraakiisha caafimaadkuna ay awoodi waayeen inay helaan diiwaanada caafimaad ee bukaanada oo ay ku jiraan dadka qaba xanuunka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here