Kevin Campbell Oo Shaaca Ka Qaaday 3 Sabab Oo Uu Gabriel Jesus U Doonayo In Uu Ku Biiro Arsenal.

0
145

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahankii hore ee Arsenal Kevin Campbell ayaa sheegay inay jiraan seddex sababood oo uu Gabriel Jesus u doonayo inuu ku biiro Gunners xagaagan.

Xiddiga reer Brazil ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man City waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda kadib imaatinkii Erling Haaland.

Kooxaha chelsea, Tottenham iyo Real Madrid ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xiddiga 25 jirka ah laakiin Arsenal ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Xiddigii hore Campbell ayaa rumaysan in uu Jesus doonayo in uu ku biiro kooxdiisii hore ee Arsenal.

Campbell Ayaa sheegay in uu doonayo ku biirista koox uu ka noqdo xiddiga 1-aad kadib markii uu mar walba xiddig 2-aad ka ahaa Man City intii uu joogay.

“Man City waxa ay doonaysa in ay lacag fiican ku iibiso Jesus sababta oo ah wali waa xiddig da’yar ah waana xiddig mar walba taam ah”ayuu Campbell yidhi.

“Waxa aad odhan kartaa waa xiddig heer sare ah maadama uu si joogto ah ugu ciyaaro Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here