De Jong, Lukaku, Jesus, Eriksen & Saxiixyada La Filayo In Si Weyn Loo Hadal Hayo Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –  Waalida suuqa kala iibsiga ayaa durba bilaabatay iyada oo saxiixyo, bixitaan iyo waliba wararka xanta ah haatanba meel xiiso leh marayaan.

Kooxaha ayaa haysta ku dhawaad 2 bilood si ay u xoojiyaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedk cusub iyada oo suuqa la galin doono lacago badna.

Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo kala duwan xilli ay jiraan saxiixyo haatanba la dhamaystiray isla markaas lagu dhawaaqay iyo qaar kale oo lagu dhawaaqi doono.

Hadab waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la filayo in muddo dheer la hadal hayo isla markaas aan si dhib yar ku dhamaan suuqa xagaaga.

Christian Eriksen -> Tottenham, Manchester United:

Xiddiga Christian Eriksen ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Brentford oo siisay fursad uu ugu soo laabto premier League suuqii January.

Xiddiga reer Denmark ayaa si weyn loo filayaa in uu ku biiro koox cusub waxana haatanba lala xidhiidhinayaa kooxaha Tottenham iyo Man United kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixiisa.

Frenkie de Jong -> Manchester United:

Waa xiddig kale oo ay Man United doonayso xagaagan, waana De Jong kaas oo la midoobi karo tababarihiisii hore ee Erik Ten Hag.

Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu xiddiga ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa waxana ay Man United haatanaba ka gudbisay dalab kaas oo ay Barcelona soo diiday.

Sida caadada ah Man United ayaan si deg-deg ah ku dhamaystirin saxiixyada waxana la filayaa in ay muddo dheer daba joogaan saxiixa xiddiga.

Robert Lewandowski -> Barcelona, PSG:

Xagaagan xiddiga Lewandowski ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Bayern Munich waxana uu warqada bixitaankiisa u gudbiyay maamulka kooxdiisa.

Lewandowski ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin kooxda Barcelona ayaa ku jirta xaalad dhaqaale xumo.

Taas ayaa keentay in ay kooxda PSG ku biirto baacsiga xiddiga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Romelu Lukaku -> Inter Milan:

Lukaku ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Inter Milan hal sano kadib markii uu lacag waali ah ugu soo biiray kooxda Chelsea suuqii xagaaga.

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga laakiin waxa ay dalban doontaa lacag 20 milyan oo amaah ah taas oo ayna Inter Milan awood u lahayn.

Romelu ayaa doonaya in uu wax walba u sameeyo sidii uu uga tagi lahaa kooxda Chelsea kuna laabto kooxdiisii hore ee Inter Milan.

Youri Tielemans -> Arsenal:

Kadib markii ay ku soo laabatay Europa League, Arsenal ayaa u baahan in ay xoojiso kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Booska khadka dhexe ayaa ah mid ay doonayso in ay iska xoojiso waxana ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Leicester City ee Youri Tielemans kaas oo xitaa ogol in uu ku biiro kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here