Dowladda Sucuudiga oo fariin hor leh u dirtay xujeyda sanadkan

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegtay in hadda ka dib aan loo baahan doonin in la xirto afxirka taas oo sii fududeyneysa xayiraadaha fayraska corona ee la xiriira Xajka bisha soo socota.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Boqortooyada Sacuudiga ay isku diyaarineyso soo dhaweynta ku dhowaad ​​850,000 qof oo Xujey ah oo ka imaanaya dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan gudashada acmaasha xajka.

Dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda ajnabiga ah ee timaadda Sacuudiga tan iyo intii uu bilowday xanuunka Covid-19 ayaa toddobaadkii hore soo gaaray Sacuudiga kuwaas oo ka yimid Indonesia.

Afxirka ayaa wali laga doonayaa in lagu xirto gudaha Masjidka Xaramka ee Maka oo ku hareereysan Kacbada, halkaasoo ay Muslimiintu ku tukadaan, iyo Masjidka Nabiga ee Madiina, oo uu Nebi Muxamed NNKH ku aasan yahay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Isniintii Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here