Man City Oo Ka Jawaabtay Xaqiiqada Wararka La Xidhiidhinaya Bukayo Saka.

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Manchester City ayaa iska fogeysay wararka sheegaya inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka.

Heshiiska Saka ee Arsenal ayaa dhacay ilaa xagaaga 2024 taas oo la macno ah in uu laba sano uga dhiman yahay heshiiskiisa kooxda Arsenal.

Arintaas ayaa keentay in uu shaki galo mustaqbalka kooxda Arsenal iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man City iyo Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaa iska fogaysay in ay wax xiiso ah u qabaan saxiixa xiddiga reer England inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababare Pep Guardiola ayaa la sheegayaa in uu ku faraxsanyahay dookhyadiisa weerarka ee uu kooxda ku haysto oo uu ku soo biiray xiddiga Erling Haaland.

Arsenal ayaa seegtay champions League xilli ciyaareedkan waxana ay imanaysaa kadib markii uu Saka qirtay in uu doonayo ka ciyaarista champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here