Benfica Oo Shaacisay Inay Darwin Nunez Ka Iibisay Liverpool.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda ree Portugal ee Benfica ayaa si rasmi ah u shaacisay inay Liverpool ka iibisay weeraryahankeedii Darwin Nunez oo noqonaya saxeexa koowaad ee Anfield soo gaadha suuqa xagaagan.

Liverpool ayaa la filayaa inay dhinaceeda maanta xaqiijiso saxeexa Darwin oo qalbiga gashaday inuu ka dego gobolka Merseyside kaddib markii uu iska diiday xiiso uga imanayay Newcastle United iyo Manchester United.

Advertisements

Benfica ayaa warbixin rasmi ah oo ay soo saartay ku xaqiijisay in Nunez u wareegay Liverpool balse qiimaha ay sheegtay kooxdaasi in ciyaaryahanku kaga tagay ayaa ka duwan sidii la filayay.

Benfica ayaa xaqiijisay in Darwin uu heshiis 75 Milyan oo euro ah kaga tagay kooxdeeda balse marka gunnooyinka oo 25 Milyan oo euro ah lagu daro uu heshiiskaasi 100 Milyan gaadhaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here