Ergayga Abaaraha Soomaaliya oo Baaq U Diray Dhalinyarada.

0
150

Jowhar -( Radio Isnaay ) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here