Saxiixyada Ugu Qaalisan Taariikhda Real Madrid Kadib Saxiixa Tchouameni.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aurelien Tchouameni ayaa noqday saxiixa 4-aad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda Real Madrid kadib markii uu ku biiray kooxda Los Blancos.

Kaliya 3 xiddig ayaa ka qaalisan taariikhda Real Madrid kuwaas oo kala ah Gareth Bale (Tottenham, 2013), Eden Hazard (Chelsea, 2019) & Cristiano Ronaldo (Manchester United, 2009).

Xiddigii ugu dambeeyay ayaa ah xiddiga Tchouameni kaas oo ay Real Madrid kula soo wareegtay lacag dhan 80 milyan oo euro.

Xiddiga ku xiga Tuchouameni ayaa ah xiddiga reer Colombia ee James Rodriguez kaas oo 75 milyan oo euro ugu soo biiray Real Madrid sanadkii 2014.

Tchouameni ayaa dhanka kale noqday xiddiga khadka dhexe ee ugu qaalisan taariikhda Real Madrid isaga oo ka horeeya Zinedine Zidane kaas oo 73.5 milyan ugu soo biiray Real.

Eder Militao Ayaa dhanka kale ah daafaca ugu qaalisan taariikhda Real Madrid isaga oo kooxda ugaga soo biiray lacag dhan 50 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here