Madaxweyne Buhari oo raadinaya musharax uu ku taageero doorashada Nigeria.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa weli ka fikiraya musharax uu ka door bidi lahaa xisbiga talada haya ee All Progressive Party (APC) si uu xilka kala wareego, sida uu sheegay afhayeenkiisa Isniintii, maalin ka hor shirweynaha lagu soo dooranayo musharaxa xisbigan uga qeybgeli lahaa doorashada madaxweynaha ee sanadka soo sosocda.

Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo iyo Bola Tinubu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Lagos, ahna nin siyaasadda ku awood badan, ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad ee matali doona APC inta lagu guda jiro codbixinta madaxweynaha ee bisha Febraayo soo socota.

Buhari, oo dastuurka Nigeria ka mamnuucayo inuu tartamo, ayaa xilka ka degi doona sanadka soo socda siddeed sano oo uu xilka hayay kaddib, taasoo keentay in si weyn loo hadal haayo qofka Buhari uu taageeri doono inuu noqdo bedelka uu jecel yahay.

Laakiin afhayeenka madaxweynaha Garba Shehu ayaa sheegay in Buhari uu u sheegay guddoomiyeyaasha gobollada ee APC ee woqooyiga Nigeria intii lagu jiray shir Isniintii in uusan “musharax gooni ah dooran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here