Man City Oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Bukayo Saka.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Bukayo Saka sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda difaacanaysa premier League ayaa si dhaw ula socotay mustaqbalka Bukayo Saka oo ku jira labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Arsenal.

Si la mid ah kooxda Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga 20 jirka ah ee qaab ciyaareed cajiibka cajiibka ah.

Inkasta oo ayna Arsenal haatan ogolaan doonin in ay iibiso xiddiga, City ayaa xiiso dhab ah u muujisay saxiixa xiddiga Bukayo Saka.

Heshiiska Bukayo Saka ee Arsenal ayaa dhici dhici doona xagaaga 2024 laakiin arintaas ayaan Man City ka hor istaagi doonin saxiixa xiddiga.

Bukayo Saka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 11 gool oo horyaalka premier League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here