Robert Lewandowski Oo Kashifay Halka Koox Ee Uu Dalabka Ka Haysto.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Robert Lewandowski ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Bayern Munich inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Bayern Munich xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Barcelona.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan kaliya doonayaa in aan Bayern kaga tago Ixtiraam iyo daacadnimo, wadada ugu fiican ayaa ah in aan xal helno”.

“Waxa aan doonayaa in aan isaga tago Bayern Munich inta lagu jiro suuqa xagaagan”.

Robert Lewandowski Oo ka hadlaya kooxaha xiisaynaya ayaa yidhi”Kaliya waxa aan dalab ka haystaa kooxda Barcelona, ma jirto koox kale oo ila soo xidhiidhay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here