Haweeneey 4 caruur mataano ah kala dhashay midba maalin

0
169

JOWHAR (Radio isnaay)-Haweeney u dhalatay waddanka Croatia ayaa dhashay afar carruur ah oo mataano ah, balse waxay mid walba umushay maalin gaar ah.
Arrintan noocan ah oo aad dhif u ah ayaa dhacda 10-kii sanoba hal mar, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Khubarada caafimaadka ayaa “mucjiso rabbaani ah” ku qeexay in carruur mataano ah ay maalmo kala duwan dhashaan.

Maalintii ay taariikhdu ahayd 1-dii bishan June ayay haweeney 29 jir ah, oo aan doonaynin inay la hadasho warbaahinta, umushay afar carruur ah oo ay caloosha ku wada sidday – kuwaasoo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabar.

Cunug walba waxa uu ku jiray hal u gaar ah oo ka mid ah makaanka haweeneydaas, balse dhakhaatiirta reer Croatia ayaa sheegay in kiis noocan ah ay arkaan ugu yaraan tobankii sanoba hal mar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here