Romelu Lukaku Oo Chelsea Ku Qasbaya In Uu Ku Biiro Inter Milan.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu Chelsea ku qasbayo in uu ku biiro Inter Milan suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Romelu Lukaku ayaa qirtay in uu doonayo in uu ku laabto Inter Milan isla markaas uuna ku faraxsanayn kooxda chelsea.

Sida laga soo xigtay The Telegraph Lukaku ayaa wax walba u samayn doona sidii uu uga tagi laaa kooxda chelsea waliba ugu laaban lahaa Inter Milan.

Chelsea ayaa doonaysa in ay ugu yaraan 20 milyan ku hesho amaahda ay ku fasaxayso xiddiga marka loo eego in ay ka soo bixisay lacag dhan 97.5 hal sano ka hor.

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa dhanka kale ogolaaday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro kooxda Inter Milan suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here