Natiijada doorashada gobolka Ontario ee dalka Canada oo la shaaciyay.

0
161

JOWHAR (Radio isnaay)-Xisbiga Progressive Conservative ee gobolka Ontario ee dalka Canada, ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashada gobolka Ontario ee natiijadeeda lagu dhawaaqay goor dambe ee xalay, kaasoo helay 83 kursi oo kamid ah 124-ka kursi ee guud ahaan kuraasta baarlamaanka gobolka Ontario.

Doorashadan ayaa aheyd tii 43-aad oo baarlamaani ah, taasoo hoggaamiyaha xisbigiisa hela kuraasta ugu badan uu noqonayo madaxa gobolka.

Tan ayaa ka dhigan in Doug Ford oo ah madaxa xisbiga Progressive Conservative-ka uu markale soo dhisi doono, dowlad aqlabiyad ah oo gobolkaasi ka talisa afarta sano ee soo socota.

Xisbiga NDP oo helay 31 kursi ayaa xirtay booska labaad, taasoo markale ka dhigeysa xisbiga mucaaradka rasmiga ah ee gobolka Ontario.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here