Darwin Nunez Oo Loo Sheegay In Uu Iska Diido Man United Kuna Biiro Liverpool, Sabab

0
137

JOWHAR (Radio isnaay) Daaficii hore ee kooxda Liverpool Jose Enrique ayaa ku booriyay xiddiga kooxda Benfica ee Darwin Nunez inuu iska diido Manchester United si uu ugu biiro kooxda Jurgen Klopp ee cajiibka ah.

Xiddiga reer Uruguay ayaa dhaliyay 34 gool 41 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Portugal waxana uu sidoo kale 6 gool dhaliyay tartanka champions League xilli ciyaareedka.

Laakiin Daaficii hore ee Liverpool Enrique ayaa aaminsan in Nunez ay ugu wanagsan tahay inuu aado Anfield halkaasoo laga yaabo inuu noqdo xiddig heer caalami ah.

“Waxa aan rajaynayaa in uu ku biiro Liverpool, waa xiddig heer sare ah sidaas darteed waxa uu noqon doonaa xiddig fiican hadii uu ku biiro kooxda Klopp”ayuu yidhi.

“Marka loo eego bixitaanka Sadio Mane Nunez ayaa ah mid ku fiican Klopp sidaas darteed waa in uu iska diido Man United kuna biiro Liverpool”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here