Barafasoor loo ganaaxay salaad uu tukaday darteed

0
142

JOWHAR (Radio isnaay)- Maamulka Jaamacad ku taalla dalka Hindiya ayaa fasax ganaax ah u diray barafasoor ka mid ah macallimiintooda kaddib markii uu faafay muuqaal laga duubay isagoo tukanaya.

Ninkan ayaa wax ka dhigayay xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada caanka ka ah dalka Hindiya ee Aligarh.

Qof ayaa muuqaal ka duubay isagoo salaad ku xirtay meel ka mid ah barxadda dhismaha Jaamacadda, halkaasoo u muuqatay in aan loo oggolayn cibaadadiisa.

Markii uu muuqaalkaa qabsaday baraha bulshada. Ururrada dhinaca garabka midig u janjeera ee ka howlgala Hindiya, oo uu xitaa ka mid yahay xisbiga talada haya ee BJP, ayaa billaabay in ay dhaleeceeyaan barafasoorka jaamacaddaas.

Arrintan ayaa sidoo kale si wayn looga hadlay dhinaca baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay kasoo horjeesteen salaadda macallinka, halka qaar kalena ay cambaareynayeen fasaxa halka bil ah ee lagu khasbay barfasoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here