Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay.

0
170
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.

Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.

Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.

Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.

Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here