Christopher Nkunku Oo Fariin U Diray Man United, Koox Kale Ayuu Ka Doortay.

0
274

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga RB Leipzig ee Christopher Nkunku ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo kashifay kooxda uu jecleyahay in uu ku biiro suuqa xagaaga.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 35 gool 16 kalena caawiye ka noqday 52 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Qaab ciyaareedka Christopher Nkunku ayaa soo jiitay kooxaha waaweyn ee premier League iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man United iyo chelsea.

Laakiin xiddiga reer France ayaa u muuqda mid iska diiday kooxaha premier League isaga oo ka doorbidaya kooxda PSG.

Nkunku oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri: “Paris waa gurigeyga, kooxda aan jeclahay, wali ma xidhin Albaab walba, wax walba waa suurtagal kubada cagta”.

“Waa wax aad u fiican in ay i xiiseynayaan kooxaha ugu waa weyn adduunka, laakiin sidoo kale waa wax aad u fiican in la arko in Leipzig ay wax walba u sameyneyso si ay ii sii haysato.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here