Karim Benzema Oo Isha Ku Haya Rikoodh Uu Cristiano Ronaldo Ka Dhigay Champions League

0
317

Jowhar – ( radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa isha ku haya in uu jabiyo rikoodh u yaala xiddiga Cristiano Ronaldo tartanka champions League marka ay kooxdiisu Real caawa la ciyaari doonto Final-ka champions League.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa dhaliyay 15 gool 11 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan waxana uu laba gool ka dambeeyaa goolasha ugu badnaa ee uu Ronaldo ka dhaliiyay xlli ciyaareed kaliya isaga oo dhaliyay 17 gool.

Benzema ayaa dhaliyay 5 gool wareegii Group-yada tartanka isaga oo aan gool wax gool ah ka dhalin kulankii Inter Milan ka hor inta uuna goolal ka dhalin kulamadii Sheriff Tiraspol & Shakhtar Donetsk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here