Shaxdii Ugu Xumayd Xilli Ciyaareedka Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
254

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa dhamaaday xilli ciyaareedk 2021/2022 ee horyaalka premier League waxana la bilaabay qiimaynta xiddigihii ka ciyaarayay xilli ciyaareedka oo dhan.

Waxa jira xiddigo is muujiyay waliba qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedka isla markaas caawiyay kooxdooda in ay helaan natiijooyin wax ku ool ah.

Dhanka kale waxa jira xiddigo dhibaatooday xilli ciyaareedka waliba ku fashilmay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed lagu qanci karo intii uu socday xilli ciyaareedka.

Kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka waxa la soo saaray shax laga sameeyay xiddigii qaab ciyaareedka xun soo bandhigay kuna fashilmay in ay is muujiyaan.

Kooxda Man United ayaa shaxda ugu xun premier League ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita.

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa shaxda ku leh 3 xiddig halka ay kooxaha Arsenal iyo Leeds United ku leeyihiin min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here