Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho keentay 286,650 dhibcood oo dheeri ah oo tallaalka Pfizer ee loogu talo galay Cudurka COVID-19.
Shixnaddan ayaa qayb ka mid ah ballanqaadka Maraykanka uu kaga jawaabayo dadaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo COVID-19, isagoo u maraya qaybinta tallaalka COVAX.
Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarida masiibada Covid19.