Gabriel Jesus Oo Heegan Buuxa Galiyay Arsenal Iyo Tottenham.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Gabriel Jesus ayaa xaqiijiyay in uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda Man City xilli lala xidhiidhinayo kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man City isaga oo doonaya in uu ku biiro koox uu joogto ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Gabriel Jesus ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal kuwaas oo suuqa u gali doona saxiixa weeraryahan cusub marka la gaadho suuqa kala iibsiga.

Dhanka kale kooxda Tottenham ayaa Arsenal kula biiray baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga reer Brazil iyaga oo ku soo jiidanaya tartanka champions League.

Xiddiga Gabriel Jesus oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Mustaqbalkayga wali waxa uu ku jiraa shaki, waxa aan haatanba u sheegay Man City waxa aan doonayo”.

“Sidoo kale wakiilkayga waxa aan u sheegay in aan doonayo in aan isaga tago kooxda Man City”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here