Arsenal Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Kooxdeeda Ah Kadib Dhamaadkii Kulankii Everton.

0
247

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa u muuqda mid mustaqbalkiisa u hibayn doona kooxda Arsenal iyada oo la arkay sawiro xiddiga oo qalinka ku duugaya heshiis cusub.

Xiddiga Mohamed Elneny ayaan kulamo badan u ciyaarin Arsenal xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ka faa’iidaystay dhaawacii soo gaadhay Thomas Partey isaga oo kulamadii ugu dambeeyay joogto ugu ciyaaro.

Xiddiga Mohamed Elneny ayaa ciyaaray 7-dii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo kooxda kula guulaystay 5 ka mid ah.

Heshiiska xiddiga 29 jirka ah ayaa dhacayay dhamaadka bisha dambe laakiin haatan waxa uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kula sii joogi doono kooxda.

Sida laga soo xigtay Football.London, Mohamed Elneny ayaa qalinka ku duugi doona heshiis uu kooxda Arsenal ku joogi doono 2 sano iyo waliba sanad dheeraad ah.

Heshiis kordhinta Mohamed Elneny ayaa imanaysa saacado ka hor markii uu dhamaaday xilli ciyaareedka horyaalka premier League waliba kooxdu ciyaartay kulankeedii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here