Maalinta Ugu Dambaysa Premier League Oo Xiiso Gaar Ah Leh & 8 Kooxood Oo U Dagaalamaya Natiijo Saamayn Karta Xilli Ciyaareedkooda.

0
157

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa maanta la ciyaari doonaa kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka premier League.

Inkasta oo la ciyaaray 37 kulan oo xiiso leh waliba ay dheceen waxyaabo badan hadana waxa maanta la ciyaari doonaa kulamo ay wax badan dhici karaam.

Waxa si gaar ah isha loogu hayn doonaa 8 kulan kaas oo saamayn weyn ku yeelan kara kooxaha horyaalka premier League ah.

Kulamada Southanpton Vs Leicester City iyo chelsea Vs Watford ayaa ah labada kulan ee kaliya ee aan lahayn wax loo ciyaaro maanta premier League.

Dhamaan 8-da kulan ee kale ayaa loogu tartamayaa kaalmaha europa League, champions League, sii joogista horyaalka iyo waliba ku guulaysiga horyaalka.

Tartanka Horyaalka:

Manchester City vs Aston Villa

Kulankan ayaa ka mid ah kulamada sida dhaw isha loogu hayn doono iyada oo City doonayso in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Aston Villa ayaa dhankeeda u soo galaysa kulanka si ay u qabato kooxda Man CIty xilli ay Liverpool si dhaw ula soconayso kulanka maadama ay ku guulaysan karaan horyaalka.

City ayaa hal dhibic ka horaysa kooxda Liverpool sidaas darteed Koxda Pep Guardiola ayaa u baahan guul si ay ugu guulaysato horyaalka.

Liverpool vs Wolves:

Kooxda ku guulaystay labada koob ee Maxaliga ah ee Liverpool ayaa doonaysa in ay sii noolayso rajadeeda ku guulaysiga 4 koob xilli ciyaareedkan.

jurgen Klopp ayaa la filayaa in uu dib u soo celiyo shaxdiisa Rasmi ah kadib markii uu badal weyn ku sameeyay Salaasadii.

Liverpool ayaan ugu cad-cadayn ku guulaysiga horyaalka waxana ay u baahantahay in ay ka badiso Wolves kadib rajayso in ay Man City dhibco lumiso kulanka Aston Villa.

Tartanka Champions League:

Norwich vs Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa ugu cad-cad in ay u soo baxdo champions League maadama ay kaliya u baahantahay hal dhibic lana ciyaarayso kooxda ugu xun premier League.

Laakiin wax walba way dhici karaan maalinta ugu dambaysa horyaalka sidaas darteed Conte iyo kooxdiisa ayaa iska ilaalin doona lama filaan waxana ay doonayaan in ay xaqiiqsadaan kaalinta 4-aad.

Kooxda Norwich City oo ka hadhay premier League ayaa rajaynaysa in ay Abaal u gasho kooxda Arsenal kana badiso kooxda Tottenham.

Arsenal vs Everton:

Kooxda Arsenal ayaa isha ku hayn doonta kulanka Tottenham waxana ay sidoo kale doonaysaa in ay badiso kulankooda Everton kaas oo ah mid ka fudud sidii hore kadib markii ay Everton xaqiiqsatay sii joogista horyaalka.

Gunners oo 4 kulan ka hor ugu cad-cadayd in ay ku soo baxdo kaalinta 4-aad ayaa haatan rajaynaysa in ay ka badiso Everton isla markaas mucjiso dhacdo oo ay Tottenham guuldaro kala kulanto kooxda Norwich.

Tartanka: Europa League:

Crystal Palace vs Manchester United:

Kooxda Man United ayaa u baahan in ay iska ilaaliso lama filaan kale oo ah in ay u sii dhaadhacdo tartanka Europa Conference kadib xilli ciyaareedkii adkaa ee ay soo qaadatay.

Man United ayaa u aahan in ay iska ilaaliso in ay dhibco lumiso kulanka Palace hadii ay doonayso in ay ka badbaado tartanka Europa Conference.

Man United ayaa xaqiiqsan karta booskeeda Europa league hadii ay bar-baro la gashay Palace oo ayna West Ham ka badin Brigton ama ay ka badiso Palace.

Brighton vs West Ham

Kooxda West Ham oo meel fiican ka gaadhay Europa League xilli ciyaareedkan ayaa mar kale u dagaalamaysa in ay u soo baxdo Europa League xilli ciyaareedka dambe.

West Ham ayaa doonaysa in ay ka badiso kooxda Brighton isla markaas rajayso in ay Crystal palace ka badiso kooxda Man United si ay ugu soo baxdo europa League.

Tartanka Ka Hadhista Premier Leageu:

Burnley vs Newcastle:

Kooxda Burnley ayaa u dagaalamaysa in ay sii joogto premier League kadib sanado badan oo ay ka ciyaartay horyaalka.

Laakiin Burnley ayaa ugu cad-cad in ay sii joogto premier league marka loo eego in ay ka rikoodh fiicantahay kooxda ay kula tartamaysa booska.

Burnley ayaa u baahan in ay hesho natiijo kasta oo ay hesho kooxda Leeds United kuwaas oo ay kula tartamayaan booska sii joogta horyaalka.

Brentford vs Leeds:

Kooxda Leeds ayaa u baahan in ay ka badiso Brentford waliba rajayso in ay Burnley dhibco ku lumiso kulanka Newcastle si ay u sii joogto horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here