Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyey lacag lagu caawinayo Ukraine.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha Senate-ka ee Maraykanka ayaa ansixiyey xirmo lacageed oo gaareysa illaa $40 bilyan taas oo lagu caawinayo dalka Ukraine. Qaraarkan ay sida aqlabiyadda ah u ansixiyeen golaha Senate-ka ayaa haatan loo gudbinayaa aqalka cad si uu u saxeexo madaxweyne Joe Biden.

Kaalmadan waxaa ogolaaday 86 senator oo ka mida 97 senator oo codeeyey, taas oo muujinaysa sida golaha Senate-ku uu isugu raacay qaraarkan. Xidhmadan la ansixiyey ayaa ku dhowaad $7 bilyan oo dollar ka badan, intii uu hore u soo jeediyey madaxweyne Biden, hase ahaatee madaxweynaha ayaa sheegay inuu taageerayo kaalmo kasta oo la siinayo dalka Ukraine, uuna saxeexayo marka ay xafiiskiisa soo gaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here