Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay Madaxda hey’adda dhaqaalaha Aduunka (IMF).
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in hey’adaha dhaqaalaha caalamku dhegeystaan aragtida dhaqaale iyo barnaamijka dayn cafinta ee Madaxweynaha cusub.
17 May oo maanta ku beegan waxa ay aheyd maalintii hey’adda IMF sheegtay in ay joojinayso wada shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya hadii aan la dooran hoggaan cusub, waxaa nasiib wanaag ah in la.doortay Madaxweynaha cusub .