Blues & Reds Oo Isaga Hor Iman Doona Final-ka Koobka Ugu Da’da Weyn Kubada Cagta.

0
236

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa isaga hor iman doona final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Chelsea oo gaadhay final-kii 3-aad oo xidhiidh ah laakiin laba badiyay labadii final ee hore ayaa isha ku haysa in ay qaado midka 3-aad marka ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Dhanka kale Liverpool oo aan Koobka FA Cup-ka ku guulaysan tan ilaa 2006-kii ayaa isha ku haysa in ay ka baxaan abaarta koobka FA Cup-ka kuna gulaystaan koobka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here