Xiddig Lala Xiriirinayo Real Madrid Oo Loo Sheegay In Uu Midkood Ku Biiro Arsenal Ama Tottenham.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rafael van der Vaart ayaa kula taliyay xiddiga kooxda PSV Eindhoven Cody Gakpo inuu ka fikiro u dhaqaaqida Arsenal ama Tottenham Hotspur xagaaga halkii uu ku biiri lahaa Real Madrid.

Taageerayaasha PSV ayaa soo sheegaya in Gunners ay tahay kooxda ugu ugu cad-cad ee doonaysa saxiixa xiddiga xilli ay kooxaha Man City iyo Liverpool ku jiraan tartanka.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa laga yaabaa inuu lumiyo labada weeraryahan (Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah) xagaaga, sabab la xiriirta qandaraaska uu dhacayo. Waxa suurtogal ah in ay Arsenal suuqa u gasho weeraryahan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here