Liverpool Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Bayern Munich Ee Sadio Mane

0
189

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay fariin u dirtay Bayern Munich kadib markii ay kooxda reer Germany xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Senegal.

Mane ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa ilaa hataana heshiis cusub uga saxiixin kooxda Liverpool xilli uu muhiim u yahay kooxda Klopp.

Bayern Munich ayaa wadahadalo la qaadatay wakiilka Mane si ay ugu qanciyaan xiddiga in uu ku biiro kooxda suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here