Iran oo Sheegtay in ay kordhineyso shidaalka ay debedda u dhoofiso.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Madaxweynaha dalka Iran ayaa sheegay in waddankiisu uu laban laabi doono saliidda ceydhiin ee uu debedda u dhoofiyo marka uu xafiiska la wareego Bishan August ee foodda innagu soo haysa, inkasta oo dalkaas ay saaran tahay cunaqabatayno culus oo ka dhan dhoofinta shidaalka.

Ebrahim Raisi ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu waraysi toos ah siinayey telefishanka ay dawladdu maamusho, isaga oo aan tafaasiil dheeri ah ka bixin cadadka saliidda uu qorshaynayo in debedda loo dhoofiyo.

Hadalka Raisi ayaa yimid iyadoo suuqyada caalamiga ahi ay raadinayaan beddelka saliiddii uu soo saari jiray Ruushku ka dib duulaankii Moscow ee Ukraine iyo weliba cunaqabateynada ay dalalka reer galbeedku ku soo rogeen dhoofinta shidaalka Ruushka. Dalka Iran ayaa haatan ku tartamaya inuu buuxiyo booska ka bannaan suuqyada ca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here