Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay xuska 15 May

0
241

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta degmada Xamar Jajab uga qayb galay munaasabad lagu maamuusayay aas-aaskii ururkii Gobonima doonka Soomaaliyeed ee 13-SYL oo ku beegan 15-ka May.

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen maamulada Degmooyinka qeybta Waliyoo Cade iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumeysay qiimaha ay leedahay Wadaniyada halgankii ururka SYL oo ka koobnaa 13 Dhallinyaro Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here