Madaxweynaha Faransiiska oo markale loo caleemo saaray xilka madaxtinimada dalkaasi.

0
141

JOWHAR (Radio isnaay)- Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanel Macron ayaa mar kale loo caleemasaaray xilka madaxtinimo dalkaasi, labo todobaad ka dib markii uu doorashada kaga guuleystay haweeneydii la tartamaysay ee midigta fog Marine Le Pen.

Emmanel Macron oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay qasriga Elysee ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii dadka Faransiiska uga dhigi lahaa bulsho siman oo ku noolata barwaaqo.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanel Macron ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xasaradaha ka jira dunida gaar ahaan sameynta ka dhalan karta dagaalka Yurub, isbeddelka cimilada iyo saameynta joogtada ah ee musiibooyiinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here