Xisbiga Boris Johnson oo guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii UK.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dowladaha hoose ee xaafado ay ku xoogaanaayeen oo ka mid ah London iyo qeybaha kale ee dalka.

Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Johnson uu lumiyey taageeradii koonfurta bari ee London, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si deg deg ah maanta u sheegay inaan la joogin xilligii la sameyn lahaa isbeddel hoggaamiye.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

Xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale markii ugu horreysay ku guuleystay golaha deegaanka Westminster, oo ah degmada ay ku yaalaan inta badan xafiisyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here