Sawir libaax oo cabsi badan ku abuuray dad ku nool kenya.

0
227

JOWHAR (Radio isnaay)-Dadka ku nool deegaanka Kinyana ee gobolka Meru ee bartamaha Kenya ayaa waxaa soo food saartay cabsi kadib markii sawir meel yaalay ay u maleynayeen libaax.

Dadka deegaanka ayaa maamulka deegaankasi ku wargeliyay in libaax uu ku dhax jiro meel beer ah oo ubaxa lagu beero, basle markii dambe la ogaaday inay tahay bac lagu dhax riday geed taasoo uu ku sawiran yahay libaax.

Sawiro laga qaaday bacda  ayaa ku baahay baraha bulshada dalka kenya.

Dadka ku nool deegannada inta badan lagu xanaaneeyo ama ay ku yaalan beeraha xawayaanada ayaa inta badan cabsi badan ka qaba inay waxyeelo u geystan libaaxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here