Arsenal oo guul ka soo heshay Kooxda West Ham oo ay ku booqatay London Stadium

0
188

JOWHAR (Radio isnaay)-Arsenal ayaa guul ka soo heshay Kooxda West Ham oo ay ku booqatay London Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaare qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood West Ham iyo Arsenal ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 38-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Rob Holding, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Bukayo Saka.

Laakiin 45 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda West Ham ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Jarrod Bowen oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Vladimír Coufal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad Gabriel Magalhães ayaa ciyaarta ka dhigay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Arsenal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda West Ham oo ay ku booqatay London Stadium, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay booska afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League kala baxday naadiga Tottenham, waxayna leedahay 63 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here