Haramcad sii dabar-go’aya oo qalliin ku dhashay

0
196

JOWHAR (Radio isnaay)-Saddex Haramacad ayaa ku dhashay Iran taas oo qayb ka ah barnaamijka taranka si ay isugu dayaan in ay ilaaliyaan noocyada Haramacadka ee sii dabar-go’aya.

Madaxa waaxda deegaanka ayaa sheegay in dhallaanka Haramcadka ay qallin ku dhasheen. Wuxuu sheegay in hooyadood ay ka mid tahay 12 Haramcad oo weli ku dambeeya Iran.

Toban sannadood ka hor ayaa lagu qiyaasay inay boqol gaarayaan, balse saraakiisha ayaa haatan sheegay in ay aad yareeyeen dhibaatooyin la xiriira abaaraha, ugaarsiga iyo xitaa shilalka baabuurta.

Madaxa waaxda deegaanka ayaa sheegay in ujeedada barnaamijka taranta ay tahay in marka hore la kordhiyo tirada Haramcadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here