Kadib Christensen, Barcelona Oo Xiddig Kale Ka Doonaysa Chelsea

0
143

JOWHAR (Radio isnaay) Saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda Barcelona xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Chelsea ee Marcos Alonso.

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah 3 xiddig oo ka ciyaara difaaca Bidix oo bartilmaameed u ah kooxda Barcelona.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa chelsea kula jira heshiis dhici doona xagaaga 2023 waxana lagu heli karaa qiimo aad u jaban.

Alonso ayaa 11 sano ku qaatay Real Madrid isaga oo ka soo baxay Akademiyada kooxda isaga oo 8 sano jira ah laakiin ka tagay kooxda isaga oo aan kulamo Rasmi ah u ciyaarin.

Marcos Alonso ayaa ka mid ah xiddigaha kooxda chelsea ee ay kooxda Barcelona xiiso u muujisay saxiixooda iyada oo la sheegayo in ay heshiis la gaadhay Andreas Christensen’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here