Tammy Abraham Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Arsenal

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Tammy Abraham ayaa ka hadlay wararkii la xidhiidhinayay Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Roma.

Xiddiga reer England ayaa ka Tagay chelsea kadib 17 sano oo uu ku qaatay kooxda waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxda Roma oo uu u ciyaarayo.

Gunners ayaa doonaysay saxiixa xiddiga xagaagii ka hor intii uuna ku biirin Roma laakiin xiddiga ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Roma oo uu kula midoobay tababare Jose Mourinho.

Isaga oo la hadlaya The Athletic ayaa Abraham wax laga waydiiyay dookhyadii uu haystay suuqii xagaaga waxana uu yidhi”Haa waxa aan haystay dookhyo badan waxana ka mid aha Arsenal”.

“Laakiin markii aan la hadlay Jose Mourinho iyo agaasimaha Roma waxa aan ku qancay hamigooda iyo wwaxa ay bartilmaameedsanayaan oo ka mid ahaa ku guulaysiga koobab”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here