Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0
172

JOWHAR (Radio isnaay)  Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad,oo Xalay  ka dhacday  Teendhada Afisyooni ee Xayndaabka Xalane.

Doorashada ayaa gashay labo wareeg, waxaana wareeggii 1aad kasoo gudbay Afar  Musharax , kuwaasi oo helay  codadka ugu badan, waxaana ay kala ahaayeen:  Xasan Cabdinuur  oo Helay 98 cod, Cabdulaahi Black oo  helay 33 cod,  Sheekh Aadan Madoobe oo helay 74 cod iyo Aadan Saransoor oo helay 23 Cod.

Balse Aadan Saran-soor iyo Cabdullaahi Black ayaa tanaasulay, waxaana wareegga kama dambeysta ah isla aaday Sheikh Aadan   Maxamed Nuur Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur, waxaana guushu ay raacday Aadan Madoobe oo helay Codadkii ugu badnaa.

Guddoomiyaha guddiga doorashada  Cabdirsaaq Cumar Maxamed oo ku dhawaaqay natiijada, waxana Aadan Madoobe uu helay 163 cod , halka Xasan Cabdi Nuur uu isna helay 89 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here