La Ogaaday: Balanqaad Uu Karim Benzema U Sameeyay Xiddigaha Real Madrid Ka Hor Kulanka Man City Ee Lugta 2-aad Oo La Ogaaday.

0
318

JOWHAR (Radio isnaay) Karim Benzema ayaa u balan qaaday saaxiibadiisa Real Madrid inuu dhalin doono ugu yaraan 2 gool oo kale kulanka lugta labaad ee Manchester City, sida uu sheegay Siro Lopez.

Xiddiga reer France ayaa laba gool ka dhaliyay Man City salaasadii isaga oo sii dheereeyay goolashiisa champions League 14 gool.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa guuldaro 4/3 ah kala kulantay Man City iyaga oo wali leh rajo ay isaga xaadirin karaan final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulanka Lugta 2-aad ee tartanka ayaa dhici doona 4 bisha May ee soo socota kaas oo ak dhici doona garoonka Santiago Bernabeu iyada oo Los Blancos u baahan 2/0 si ay ugu gudubto final-ka.

Benzema ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 40 gool tartamada oo dhan tan ilaa markii uu bilowday xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here