Saamiga shirkadda Netflix oo hoos u dhacay iyo talaabooyin ay qorsheysaneyso.

0
268

JOWHAR  (Radio isnaay)- Shirkadda Netflix oo ka mida shirkadaha ugu waaweyn caalamka ee laga daawado filimada iyo musal-salada ayaa qorshaynaysa inay qaaddo tallaabooyin ay kula dagaalamayso dadka sida bilaashka ah u daawada adeegeeda, iyaga oo wadaagaya furaha sirta ah ama Passwordka.

Tallaabadan ayaa timi ka dib markii ay shirkaddu lumisay illaa 200,000 oo macaamiisheeda ah, taas oo madaxwareer ku ridday saamilayda shirkadda oo hore loogu sheegay in la saadaalinayo inay shirkaddu soo xera-gelinayso illaa 2.5 million oo macaamiil cusub ah.

Arrintan ayaa keentay in saamiga shirkaddu uu hoos u dhaco illaa 35%, waana heerkii ugu hoosaysay ee ay gaadho tan iyo sannadkii 2018.

Shirkadda Netflix ayaa ku qiyaasaysa in illaa 100 million oo ka mida macaamiisheedu inay si lacag la’aan ah u isticmaalaan adeega ay bixiso iyaga oo furaha sirta ah la wadaagaya macmiil kale oo iibsaday adeegga shirkaddan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here