Dooni dalxiis oo lagu la’yahay dalka Japan

0
167

JOWHAR (Radio isnaay)Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, kadib kadib markii dooni 26 dalxiisayaal ah saarnaayeen lagu waayay jasiiradda Hokkaido ee waqooyiga dalkaasi.

Doonta oo lagu magacaabo Kazu 1, ayaa la rumeysan yahay inay ku jirtay safar saddex saacadood ah oo ay ku soo martay Jasiiradda Shiretoko.

Dadaalka samata bixinta – oo isugu jira helikobtero, doonyo roondo iyo quusayaal – ayaa weli socda. 26-ka qof ee la socday doonta, laba ka mid ah waxay ahaayeen shaqaalihii markabka, halka labana ay ahaayeen carruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here