Dowladda Denmark oo wada hadal la biloowday Rwanda si dalkaasi ay u geeyso muhaajriin.

0
125

JOWHAR  (Radio Isnaay)-Dowladda Denmark ayaa xaqiijisay in ay wadahadal kula jirto Rwanda si dalkaas ay ugu dirto dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay dowladda UK toddobaadkii hore qaadday.

Danmark oo tobankii sano ee ugu danbeeyay soo bandhigtay siyaasado qalafsan oo ku aaddan soogalootiga, ayaa sannadkii hore soo saartay sharci ogolaanaya in qaxootiga imaanaya dhulka deenishka loo raro xarumaha magangalyada ee waddamada ay iskaashi leeyiiin.

Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyey dadka u dooda xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobay iyo guddiga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here